Erdogan oo Baarlamaanka Dalkiisa u Gudbiyay Codsi uu ku Dalbanayo in Ciidamada Turkiga loo diro..

Somalia news

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa horgeeyay Baarlamaanka Turkiga Codsi uu ku dalbanayo in la ogolaado in Ciidamada Turkiga la geeyo Xeebaha Somalia, Qorshahaan ayaa dava socda heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca Xeebaha Somalia..

Sharcigaan la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga, ayaa codsanaya in loo fasaxo muddo labo sano ah, iyadoo ay ku xusan tahay in la codsan karo in dib  loo cusboonaysiiyo, taasoo awood u siinaysa madaxweyne Erdogan inuu Ciidamada badda ee Turkiga u diro Somalia, Sida ku cad mooshinkan oo ay aragtay warbaahinta Middle East Eye, tallaabadan ayaa jawaab u ah codsi rasmi ah oo Turkiga uga yimid dowladda Somalia.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay mid looga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa xaq u siiyay qeyb kamid biyaha Somalia, “Soo daabulidda Ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona Dowlada Federaalka, waxayna dabooli doonaan baqhida Amniga ee Xeebaha Somalia,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga.

336370cookie-checkErdogan oo Baarlamaanka Dalkiisa u Gudbiyay Codsi uu ku Dalbanayo in Ciidamada Turkiga loo diro..