Agaasimaha WHO oo ka Hadlay Sababaha wax looga qaban la’yahay Dhibaatada ka jirta gobolka Tigray

Somalia news

Agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta gobolka Tigray ee uu asal ahaan ka soo jeedo ay ka daran tahay colaadda Ukraine…

Agaasimaha ayaa sheegay in midabkooda aawgii ay beesha caalamku dareenkeeda ugu jeedin la’yahay dhibaatadaasi, “Waxa aan idiin sheegayaa in dhibaatada bani aadamnimo ee Tigray ka jirta iney ka daran tahay oo ay ka mug weyn tahay midda Ukraine iyadoo aan la buun-buunineyn, Bilo kahor waxa aan sheegay in xaaladdaan, malaha sababtu waa midabka maqaarka Dadka Tigray oo ka duwan kan Ukraine” ayuu yiri Tedros Adhanom.

Madaxa Hey’adda WHO ayaa sheegay in xaalado adag oo dhanka Nolosha ah ay ka jirto Ismaamulka Gobolka Tigray, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer is hor istaag ku sameeyay gargaar bani aadamnimo si loo siiyo Dadka ku dhibaateysan ismaamulkaasi.

208460cookie-checkAgaasimaha WHO oo ka Hadlay Sababaha wax looga qaban la’yahay Dhibaatada ka jirta gobolka Tigray