Dil Wadareed Argagax leh oo Sh/Dhexe loogu geystay Macalin Dugsi Quraan & 4-ka mid ah Ardaydiisa..

Somalia news

Warar argagax leh ayaa laga soo sheegaya Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, kadib markii fal Dil Wadareed loogu geystay Macalin dugsi quraan iyo 4-kale Ardaydiisa ah, Falkaan ayaa kooxo hubeysan ku dileen Degaanka Xaaji Cali oo ka tirsan Degmada Cadale…

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, iyadoo Maamulka Gobolka iyo kan Dowladda Federaalka ay ka gaabiyeen xakameynta colaadaan Berleysan maaddaama dilkaan loo geystay macalin dhigayay dugsiga quraan iyo xertiisa oo la sheegay in xilligaas ay ka soo baxeen subac, kuwaasoo ku sii jeeday guryahooda.

Marxuumiinta ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Mukhtar Macalin Maxamuud Yuusuf, Cumar Axmed Yuusuf, Mukhtaar Axmadey Macalin Maxamuud, Maxamed Maxamuud Cali Faradar iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Cali Faradar, Dil wadareedkaan naxdinta leh ayaa la xiriira aargoosi qabiil oo sanado badan ka dhacayay Gobolka Shabeelada Dhexe.

283290cookie-checkDil Wadareed Argagax leh oo Sh/Dhexe loogu geystay Macalin Dugsi Quraan & 4-ka mid ah Ardaydiisa..