Maxaad ka Taqaan Cudurka ku dhaca Siyaasiyiinta Hogaamiya Dal oo keena Aargoosiga..

Somalia news

Dunidaan aan ku nool nahay waxaa aad ugu soo badanaa Hogaamiyayaasha Qaada Cudurka aargoosiga Siyaasada markii ay Xilka talada Dalka ay la wareegaan, iyagoo marka hore Xeyndaabkooda isku wareejiya Koox aan talin bixin laakin qaata Amarka Hogaamiyaha una dhiibta xilalka muhiimka ah si loo fuliyo Amaradiisa..

Calaamadaha cudurkaasi lagu garto ayey Culimada cilmiga nafsada derista ku sheegeen iney ka mid tahay in madaxdu dhibsayaan libinta la siinayo cid aan iyaga ahayn, in ay nacaan qof kasta oo iyaga ahayn oo ay bulshadu magac hayso ama sumcaddiisa la sheeg-sheegayo, waxeyna bilaabaan iney shirqoolo u maleegaan kuwaasoo gaarsiisan Dil iyo Afduub.

Cudurkaas ayey ku tilmaameen Khubaradu in la yiraahdo Waalida isla waynida (Megalomania, جنون العظمة”) , markii uu aargoosi la socdana waa ka sii daran, Hadaba, Hadiiba uu Madaxweynaha Dalku uu ku mashquulay inuu xusho Xubin (Qolof maran) oo maskaxdiisu uu isaga maamusho kaasoo isku heysta inuu heysto kalsoonida Madaxweynaha isla markaasna noqdo aalad wax caburisa sharcigana gacantiisa ku fuliya.

Hadaba, Maxaa daawo u ah Aargoosiga iyo isla weyninka Siyaasiyiinta Xiligaan oo Hogaaminta Dalka ku helay dhaqaale ay siiyeen Xildhibaan Baahan oo xitaa aan awoodin iney xakameeyaan Musharax ay dhaqaalaha (Laaluushka) ka qaateen kaasoo hortooda ku fuliya Argoosiga.

274590cookie-checkMaxaad ka Taqaan Cudurka ku dhaca Siyaasiyiinta Hogaamiya Dal oo keena Aargoosiga..