Ergo Ka Socota Beesha Caalamka Oo Villa Somalia Tageysa

Somalia news

Kadib markii is-Mari waaga Khilaafka Hanaanka Doorashada uu gaaray heerki ugu hooseeyay ayaa Maanta Waxaa lagu wadaa in Xubno matalaya Beesha Caalamka ay kulan kula yeelan doonna Xarunta Madaxtoyada Mr.Farmaajo, iyagoo u sida farrimo ay ka sidaan guud ahaan Beesha Caalamka taas oo ku aaddan Khilaafka ka taagan….

Wararka Ayaa tilmaamay in shalay ayeey aheyd markii ay Beesha Caalamka soo saartay qoraal ay ku taageerayaan wadahadal dhaxmara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya Kulanka diirada lagu saari doono labada Qodob, kuwaasoo kala ah Qabashada Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isugu yimaadaan Xarunta Xalane ka hor 8-da February.

Villa Somalia ayaa la sheegay iney dooneyso in Kulankaasi uu ka dhaco Magaalada Baydhabo, iyadoo la sheegay Saraakiisha Safaarada USA Ee Muqdishu ay hormuud ka tahay in Kulanka lagu qabto xarunta Xalane.

Haddaba, Ma laga yaabaa in Xubnaha Beesha Caalamka dartood uu Madaxweyne Farmaajo tanaasul u sameeyo, mase dhici kartaa in aan heshiis lagu gaarin, iyadoo Muddo xileedka Mr.Farmaajo 9-maalmood uga harsan tahay.

90630cookie-checkErgo Ka Socota Beesha Caalamka Oo Villa Somalia Tageysa