Kulan ay yeesheen Senatarada Galmudug & Hirshabelle Oo Lagu Heshiin waayay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa kulan wadataahi ah oo ay wada yeesheen xubno Senataro oo laga soo kala doortay Maamulada Hirshabelle & Galmudug, Kulankaan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loogu midoobi laha Hal Senator Xilka Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad…

Kulankaan oo lagu qabtay Xalay Hoteelka Jasiira, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Senatarada Kala ah, (Galmudug) oo joogay Madasha Senator Cabdi Axmed (Dhegdheer), Zamzam Daahir iyo Duniyo Maxamed, halka Hirshabelle ay kulanka ka joogeen Senataro laga xusi karo Dr.Cusmaan Dufle Iyo Mr.Axmed Maxamed Afcadeey.

Waxaana Gogosha fidiyay Senatarada Galmudug, iyagoo ka codsaday in Senator Cali Shacbaan Ibraahim uga tanaasulo xilka Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare oo ay ku tartamayaan Senator Cabdixakiin Macalin Axmed & Senator Shacbaan, kulanka ayaa ku soo dhamadaay natiijo la’aan kadib markii lagu heshiin waayay in Hal Musharax lagu midoobo.

Talaabadaan ayaa muuqato mid labada maamul-goboleed uu midba midka kale ka raba inuu ka qaato xilkaad, iyadoo xogtu ay tibaaxeyso in Mr.Qorqor iyo Cali Guudlaawe ay kala taageerayaan labada Musharax.

184300cookie-checkKulan ay yeesheen Senatarada Galmudug & Hirshabelle Oo Lagu Heshiin waayay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com