Ethiopia Oo Basaaboro Siisay Xildhibaan & Eedeyasane Soomaali ah

Uncategorized

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ay culeys ku saaray Maamulka Socdaalka Ethiopia sidii Baasabooro Ethiopian ah loo siin lahaa Xildhibaan Cabdiraxman Dheere iyo Eedeysane Cabdirashiid Janan oo loo heysto Dembiyo dhan ka ah xuquuqda aadanaha, kuwaasoo ku sugan Magaalada Addis abeba..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay Dowladda Ethiopia ay u oggolaatay iney Xildhibaan Cabdiraxman Dheere iyo Eedesaney Cabdiraahiid Janan u oggolaatay iney siiso Dhalashada iyo Baasaborka Ethiopia, kadib markii Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ay ka codsadeen in loo fududeeyo Howlaha la xiriira dukumentiyada Dhalashada Dalkaasi.

Dhanka kale Waxaana Magaalada Mogadishu maalmahaan ku sugan Saraakiil ka socota Boliiska Xiriirka Caalamiga ah (Interpol) oo fadhigeedu yahay Magaalada Paris, waxeyna kulamo la yeesheen Saraakiisha Boliiska iyo xafiisyada Xeer ilaalinta Ee Magaalada, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Xafiisyada Is-dhaafsiga Xogaha noocyada Dembiyada iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Eedeysane Cabsirashiid Janan ayaa sanadkii hore Boliiska Soomaaliyeed codsi u direen Xafiiska Interpol iney ka gacan siiyaan sidii loo soo qaban lahaa isla markaasna Maxkamada loo soo taagi lahaa iyadoo lagu Eedeeyay inuu dembiyo dilal ah ka geystay degmooyinka B/Xaawo, Doolow iyo Luuq Ee Gobolka Gedo.

126140cookie-checkEthiopia Oo Basaaboro Siisay Xildhibaan & Eedeyasane Soomaali ah