Waa Sidee Xaalada Ardayda Soomaaliyeed Ee Gobolka Tigray

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay Dagaalka ka socda Gobolka Tigray ee Federaalka Ethiopia kaasoo geystay khasaare balaaran, iyadoo Gobolkaasi ay ku sugan yihiin Arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Jaamacadaha Gobolkaasi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ardayda Soomalida ee ku sugan halkaas ay gaarayaan Boqollaal, waxaanay u qaybsamaan kuwo ka yimi deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia iyo kuwo deeq waxabarasho ka helay gobolkaas oo iyana ka yimi deegaammada kale ee Somalia.

Magaalada Makelle ayaan joognaa, mana jirto weli cid gaar ah oo nasoo raadsatay laakiin cabsi ayaannu qabnaa haddannu nahay ardayda Soomaaliyeed”  ayuu yiri Siciid Macallin Bahsiir oo la hadlay BBC-da.

Dhanka kale waxaa maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay gobolka macalluul aad u daran, iyadoo Hey’addaha xuquuqda Aadanaha ku qaylo dhaamayeen in la gurmado dadka halkaasi ku sugan.

“Way jirtaa cunno-yari waana la dareemayaa oo maciishaddii aad bay sare u kacday. Sannadihii u dambeeyay lacagta naloo soo diro waxaannu ku iibsan jirney kor bay u kaceen oo waa ay labanlaabmeen” Ayuu yiri Siciid.

126190cookie-checkWaa Sidee Xaalada Ardayda Soomaaliyeed Ee Gobolka Tigray