Hogaanka Maamulka Villa Somalia oo Danjire u Magacaabay Dalka Eritrea…

Uncategorized

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa u magacaabay 2-Xubnood oo la sheegay iney aad ula dhacsan yihiin Maamulka Asmara iney ka shaqeyaan xiriirka Diblomaasiyada ee u dhaxeeya Eritrea iyo Somalia, iyadoo la fulinayo soo celinta xariirka labada dal iyo Heshiiskii Isdhexgalka ee uu saxiixay Madaxweyne-hore…

Xogtaan ayaa sheegtay in Danjire Omar Idris oo horey usoo noqday Safiirka Somalia ee Dalka Qatar, ayaa hada loo magacaabay safiirada u joogi doona dalka Eritrea, halka Cabdixakiin Faray, oo horey usoo noqday Madaxa NISA ee gobalka Banaadir, Maamulkii hore ee Xasan Gurgurte, ayaa loo magacaabay u qaybsanaha arrimaha Ciidamada ee Safaarada Somalia ku yeelanayso Eritrea.

Howlwadeenadaan ayaa ka mid ahaa Wafdigii Madaxweynaha ee booqday Asmara iyo magaalooyin kale, iyadoo la sheegay iney ku hareen magaalada Asmara, Hasan Gurgurte oo intii uu ahaa mucaaradka Maamulkii Farmaajo si weyn u naqdin jiray “Wada Shaqeynta Eritrea”, isagoo ku tilmaamay Shaqsiga uu booqashada ugu tagay dhowrka jeer ee Asias Afwerki Kaligii-taliye macalin u ahaa Farmaajo, kaasoo hadda isaga u ah Macallin sida Muwaadiniinta loo caburiyo.

281580cookie-checkHogaanka Maamulka Villa Somalia oo Danjire u Magacaabay Dalka Eritrea…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com