Ethiopia Oo Culeysyo Ku Saartay Maamulka Hargeysa Oggolaanshaha..

Somalia news

Maamulka Abiy ee Addis abeba ayaa la sheegay iney Culeysyo xoogan ku saareen Maamulka Somaliland iney oggolaadaan hirgelinta heshiis hoose oo Farmaajo ugu saxiixay isticmaalka Dekeda Degmada Seylac ee Gobolka Awdal ee Somalia..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Farmaajo uu u saxiixay In Ciidamada Badda ee dhowaan loo dhisay Ethiopia iney xaruntooda ka dhigtaan Magaalada Seylac, wuxuuna Heshiiska loo saxiixaya siinayaa Ethiopia isticmaalka Dekada Seylac muddo 40-sano ah isla markaasna aan lagu faro gelin karin.

Muuse Biixi ayaa codsaday inuu la-tashiyo kala yeesho Xaalada ku gedaaman Heshiiskaan Baarlamaanka Somaliland isla markaasna ay go’aano uga gaaraan, Talaabadaan ayaa la sheegay inuu aad uga carooday Mr.Abiy wuxuuna u sheegay inuu qorshaha Plan-B Oo ah iney xoog ku qabtaan Degaanada uu ka kooban yahay Gobolka Awdal kadibna lagu wareejiyo Farmaajo waaba hadii dib loo soo doorto.

Farmaajo ayaa horey ugu saxiixay Ethiopia 4-Dekadood iney qaataan kuwaasoo kala ah Dekada Seylac, Hobyo, Baraawe iyo Kismaayo, hadii uu u fashilmo Qorshaha Dekada Seylac waxaa la sheegay in Mr.Qorqor uu oggol yahay inuu ku wareejiyo Dekada Hobyo Ethiopian-ka.

163250cookie-checkEthiopia Oo Culeysyo Ku Saartay Maamulka Hargeysa Oggolaanshaha..