Xisbiyada Mucaaradka Hargeysa Oo Eedeyn u Jeediyay Muuse Biixi..

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Hargeysa ka taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland kaasoo gaaray in gacan ka hadal uu ka dhaco Baarlamaanka gudahiisa, iyadoo wadahadal la doonayay in xiisada lagu dhameeyo si Nabad ah uu fashilmay…

Wararka ayaa sheegay in Ergo ay hormuud u yihiin Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ay xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweynaha, si loo dhameeyo Xiisadaha taagan ayaa sheegay “Waxaanu u tagnay Madaxweyne difaacanaya aragtidiisa oo careeysan, waxaana uu diyaar u yahay inuu qabto doorashada ” Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in hadlo adagi ku dhexmareen Xarunta Madaxtooyada Somaliland isaga iyo Muuse Biixi, iyadoo la filayay in madaxweynuhu soo bandhigo qorshihiisa doorashooyinka dalka ayaa cabasho iyo hanjabaado isu raaciyay Guddoomiye Faysal.

Madaxweynaha oo ay ku wehliyeen laba xubnood oo ay mucaaridka isugu xun yihiin ee Cali Warancade iyo Cabdiraxmaan dheer ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Mucaaridka iney Amaanka iyo Xasiloonida Magaalada ay caqabad ku yihiin wuxuuna uga digay iney ka waantoobaan.

“Ma ninkaagii ilahaa Xarshin tag iyo doorashooyinka lagaa baryi maayo ayaa halkan ii soo fariistay” ayuu madaxweyne Biixi ku celceliyay, sida ay ilo goobta ku sugnaa noo shegeen, Faysal ayaa la sheegay in uu madaxweynaha ugu jawaabay ” miyaanad adigu aheyn kii hoyadey caayay”.

190700cookie-checkXisbiyada Mucaaradka Hargeysa Oo Eedeyn u Jeediyay Muuse Biixi..