Maxaa Keenay inuu Is-casilo Safiirkii Somalia ee Saudi Arabia..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Anshaxmo lagu la kacay Danjirihii Somalia u fadhiyay Boqortooyada Saudi Arabia Mr.Saalim Macow Xaaji kaasoo iska casilay Xilkii uu hayay, kadib markii Madaxda Hab-maamuuska Madaxtooyada ay ka reebtay ka qeyb galka Shirkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Jeddah..

Danjiraha ayaa sheegay inuu falalka ka baxasan Nidaamka Dowladeed uu ku eedeeyay iney kulakacday Madaxa hab maamuuska Madaxweynaha (Hinda Culusow) isla matkaasna si xun ula dhaqantay, ayna u geysatay aflagaado, iyadoo Kaarkii Danjiraha la siiyay Gabadha Madaxweynaha, Dhacdadaan ayaa u muuqata mid ka baxsan Anshaxa Dowladnimada.

Danjire Saalim Macow oo qoraal ku soo saaray iscasilaadiisa ayaa wuxuu ku sheegay dhowr qodobo ay ka mid yahiin, in laga reebey ka qeybgalka shirka 32aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19ka May, 2023. Arrintaas ka baxsan nimdaamka diblomaasiyadda caalamka.

257030cookie-checkMaxaa Keenay inuu Is-casilo Safiirkii Somalia ee Saudi Arabia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com