Degaanka Harta-Sheekh Oo Ka Taagan Dab Guryo Badan gubay

Somalia news

Waxaa wali halkeedii kasii socda dabkii aan wali lagaran waxa sababaya, ee ka kacayay guryo badan oo ku yaal magaalada Hartasheekh ee dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo Dadka degaankaasi ay cabsi iyo welwel ka muujiyeen Dabkaan Oo guryo badan ku basbeelay…

Wararka ayaa sheegay in mar kale ay gubteen guryo kale oo isla magaalada Hartasheekh ku yaal, kuwaasoo sidii guryihii hore ee gubtay aan la garan waxa sababay gubashadooda, Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay la dhibaataysan yihiin guryahan gubanaya, iyagoo sheegay in ugu yaraan maalintii ay gubanayaan ilaa 3 guri, maalin walbana ay arrintani joogto noqotay.

Dhanka dowladda wali ma jirto xog rasmi ah oo ay arrintani kasoo saartay, marka laga reebo duqa magaalada Hartasheekh oo Warbaahinta u sheegay in dabkan guryaha ka kacaya loo badinayo inuu sixir yahay, Shacabka ku dhaqan magaalada Hartasheekh ayaa cabsi xooggan ka qaaday dabkan guryaha ka kacaya ee xalka loo la’yahay, waxayna magaaladu in toddobaad ah noqotay mid la saaxiibta guryo gubanaya sabab la’aan.

163280cookie-checkDegaanka Harta-Sheekh Oo Ka Taagan Dab Guryo Badan gubay