Ethiopia Oo Dalkeeda Ka Ceyrisay Shaqaale UN-ka

Africa News

Maamulka Abiy ee Ethiopia ayaa dalkeeda ka ceyrisay 7-Xubnood oo kamid ah Mas’uuliyiinta Qaramada Midowbay ee ka howl galaayay dalkaasi, kadib markii lagu eedeyey iney faragalin ku sameeyeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, gaar ahaana dhinacyada siyaasadda…

Ethiopia ayaa Xubnahaan u isticmaashay Warqadda loo yaqaano “persona non grata” lagaagama baahna dalkaan, talaabadaan oo ay horey u istyicmaashay Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, markii ay ceyrisay Ergaygii gaarka ah ee QM u qaabilsanaa Mr.Haysom oo ay ku eedeysay faragalinta arrimaha gudaha.

Sida lagu shegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa xubnahan loogu qabtay in ay 72-sacadood gudahood uga baxaan dalka Itoobiya, iyadoo lagu sifeeyey kuwa aan ka shaqeyn karin gudaha dalka, maadama ay darafyada siyaasadda dhinac ka noqdeen, taasio kasoo horjeeda wada shaqeynta ama xeerarka caalamiga ah ee labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ayaa kala ah:-

1- Grant Leaity, oo ahaa Ku -xigeenka Madaxa Arrimaha Bini aadantinimada ee Xafiiska QM,

2- Adele Khodr, oo ahayd Madaxa UNICEF ee dalka Ethiopia.

3- Ghada Eltahir Mudawi, Ku-simaha Isuduwaha Arrimaha Bini’aadantinimada.

4- Kwesi Sansculotte, Lataloyaha Nabadda & Horumarinta QM ee Ethiopia.

5- Saeed Mohamoud Hersi,Ku -xigeenka Madaxa Xafiiska, UNOCHA.

6- Mrs. Marcy Vigoda, Madaxa Sare oo katirsan Xaafiiska arrimaha Bini aadantinimada.

7- Sonny Onyegbula, oo ahaa Madaxa Dabagalka, Xogaha iyo Lataliyaha Kooxda ee UNHCR.

143160cookie-checkEthiopia Oo Dalkeeda Ka Ceyrisay Shaqaale UN-ka