Maxaa ka Run ah in Madaxtooyada Villa Somalia Oo 2-Ergay U Sharaxday iney ka Qabtaan Xilal IGAD..

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ayaa Magacyada 2-Ergay oo u sharaxan iney Xilal kala duwan ka qabtaan Urur Goboleedka IGAD, bacdamaa Kulankii u dambeeyay Ururku uu yeesho la go’aamiyay in la balaariyo, iyadoo labada Shaqsi ay ka soo Jeeda Gobolada Galguduud iyo Hiiraan..

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Cabdiraxmaan C/shakuur, Waxaa loo sharaxay inuu noqdo ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Dagaalka Dalka Suudaan, Mr.C/shakuur ayaa hadda ah Ergayga Abaaraha ee Madaxweyne Xasan Sheekh inkastoo muddo uu howlgab yahay, sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay Golaha Shacabka, Madaxtooyada ayaa dhibsatay Qoraalada Ergeyga, Waxaana kagu mashquulinayaa Dagaalka Sudan.

Xildhibaan Cabfiraxmaan ayaa dhexdhexaadnimadiisa noqon karta arrin la xiriirta xiriirka uu la leeyahay Dalalka UK iyo UEA, Su’aal ayaa la iska weydiinayaa Haddii Cabdiraxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka uu qabto Xilkaan cusub, iyo inuu sii haysan doonaa kursigiisa Beeshiisa.

Halka Maamulka Xasan Gurgurte uu Maxamed Cabdi Waare u sharaxay in loo soo jeedinayaa inuu noqdo ku xigeenka Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD, Hadda waxa uu noqday Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyne u qaabilsan Xasilinta Degaannada laga saaray kooxda Shabaabka, Waare ayaa xubin ka ah ururka SAHAN oo xiriir aan wanaagsanayn la leh Dalalka Ethiopia iyo Djibouti.

265560cookie-checkMaxaa ka Run ah in Madaxtooyada Villa Somalia Oo 2-Ergay U Sharaxday iney ka Qabtaan Xilal IGAD..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com