Tiro Badan Oo Somali-American ah oo Lagu Eedeeyay Dembiyo la Xiriira Khiyaano & Dhac

Somalia news U.S.

Xafiiska Dacwad oogaha Gobolka Minnisota ee USA ayaa Eedo ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyo & Khiyaano Gobolka ay degan yihiin, iyagoo dhaqaale badan looga talo-galay gargaarka COVID-19 iyo Nafaqeynta leexsaday…

Wararka ayaa sheegay in Eedeysanayaashani lagu soo eedeyay dembiyo la xiriira kaalinta ay ku lahaayeen dhaca dhaqaale dhan $250-milyan oo laga xaday barnaamij ay Dowladda Federaalka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta.

Dacwad-Oogaha USA ee Gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Talaadadii sheegay in qaar ka mid ah dadkaas lasoo xiray, Eedaha illaa hadda lagu soo oogay Eedeysanayaashani waxaa ka mid ah shirqool, khiyaano lacag diris, been xalaaleyn lacag, Fududeyn iyo Laaluush.

Liiskaan hoos ku xusan waxay ku jiraan Gal-Dacwadeedka United States v. Aimee Marie Bock et al.

1- Aimee Marie Bock, oo ah 41 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha iyo agaasimaha hay’adda Feeding Our Future.

2- Abdikerm Abdelahi Eidleh, oo ah 39 jir degan Burnsville, Minnesota, shaqaale ka tirsan Feeding Our Future.

3- Salim Ahmed Said, oo ah 33 jir degan Plymouth, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

4- Abdulkadir Nur Salah, oo ah 36 jir degan Columbia Heights, Minnesota, milkiile iyo shaqaale maqaayadda Safari Restaurant.

5- Ahmed Sharif Omar-Hashim, oo sidoo kale loo yaqaan “Salah Donyale,” oo ah 39 jir degan Minneapolis, Minnesota, aas-aasaha shirkadda Olive Management Inc.

6- Abdi Nur Salah, oo ah 34 jir degan Minneapolis, Minnesota, kaaliyihii hore ee siyaasadda ee duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kadibna iibsaday hay’adda Stigma-Free International.

7- Abdihakim Ali Ahmed, oo ah 36 jir degan Apple Valley, Minnesota, aas-aasaha shirkadda ASA Limited LLC.

8- Ahmed Mohamed Artan, oo ah 37 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo soo noqday madaxa hay’adda Stigma-Free International.

9- Abdikadir Ainanshe Mohamud, oo loo yaqaan “AK,” ahna 30 jir degan Fridley, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Willmar.

10- Abdinasir Mahamed Abshir, oo ah 30 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo madax ka ahaa qeybta Stigma-Free ee Mankato.

11- Asad Mohamed Abshir, oo ah 32 jir degan Mankato, Minnesota, oo wax ka maamulayey qeybta Stigma-Free ee Mankato.

12- Hamdi Hussein Omar, oo ah 26 jir degan St. Paul, Minnesota, oo maamuleysay qeybta Stigma-Free ee Waite Park.

13- Ahmed Abdullahi Ghedi, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, oo wax ka aas-aasay shirkadda ASA Limited LLC.

14- Abdirahman Mohamud Ahmed, oo sidoo kale loo yaqaan “Chef Abcos,” oo ah 54 jir degan, Columbus, Ohio, ahna milkiilaha maqaayadda Afra Grill.

Eedeysanayaashani waxey ka yihiin Dawcada United States v. Abdiaziz Shafii Farah et al.

Abdiaziz Shafii Farah, oo ah 33 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

16- Mohamed Jama Ismail, oo ah 49 jir degan Savage, Minnesota, oo ah milkiile iyo shaqaale ka tirsan maqaayadda Empire Cuisine and Market LLC.

17- Mahad Ibrahim, oo ah 46 jir degan, Lewis Center, Ohio, madaxa iyo milkiilaha hay’adda ThinkTechAct Foundation.

18- Abdimajid Mohamed Nur, oo ah 21 jir degan Shakopee, Minnesota, oo aas-aasay shirkadda Nur Consulting LLC.

19- Said Shafii Farah, oo ah 40 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC, lana dhashay Abdiaziz Farah.

20- Abdiwahab Maalim Aftin, oo ah 32 jir degan Minneapolis, Minnesota, milkiilaha dukaanka Bushra Wholesalers LLC.

21- Mukhtar Mohamed Shariff, oo ah 31 jir degan Bloomington, Minnesota, madaxa shirkadda Afrique Hospitality Group.

22- Hayat Mohamed Nur, oo ah 25 jir degan Eden Prairie, Minnesota, lana dhalatay Abdimajid Mohamed Nur lana tuhunsan yahay inay kala qeyb qaadata xatooyada la tuhunsan yahay.

United States v. Qamar Ahmed Hassan, et al.

23- Qamar Ahmed Hassan, oo ah 53 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, milkiilaha iyo shaqaale shirkadda S & S Catering

24- Sahra Mohamed Nur, oo ah 61 jir dega Saint Anthony, Minnesota, maamule ka tirsan ururka Academy for Youth Excellence.

25- Abdiwahab Ahmed Mohamud, oo ah 32 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Academy for Youth Excellence.

26- Filsan Mumin Hassan, oo ah 28 degan Brooklyn Park, Minnesota, maamule ka tirsan Youth Higher Educational Achievement.

27- Guhaad Hashi Said, oo ah 46 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamul ka tirsan ururka Advance Youth Athletic Development.

28- Abdullahe Nur Jesow, oo ah 62 jir degan Columbia Heights, Minnesota, ka tirsan Academy for Youth Excellence.

29- Abdul Abubakar Ali, oo ah 40 jir degan St. Paul, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

30- Yusuf Bashir Ali, oo ah 40 jir degan Vadnais Heights, Minnesota, kana tirsan ururka Youth Inventors Lab site.

United States v. Haji Osman Salad, et al.

31- Haji Osman Salad, oo ah 32 jir degan St. Anthony, Minnesota, maamulaha maqaayadda Haji’s Kitchen.

32- Fahad Nur, oo ah 38 jir degan Minneapolis, Minnesota, maamulaha The Produce LLC.

33- Anab Artan Awad, oo ah 52 jir degan, Plymouth, Minnesota, madaxa ururka Multiple Community Services.

34- Sharmarke Issa, oo ah 40 jir degan Edina, Minnesota, aas-aasaha shirkad lagu magacaabo Minnesota’s Somali Community iyo maamulaha maqaayqadda Wacan Restaurant LLC.

35- Farhiya Mohamud, oo ah 63 jir degan Bloomington, Minnesota,  maamulaha Dua Supplies and Distribution Inc.

Magacyada soo socda waxay ku jiraan kiis dacwadeedka United States v. Liban Yasin Alishire, et al.

36- Liban Yasin Alishire, oo ah 42 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, maamulaha iyo milkiilaha ururka Community Enhancement Services Inc.

37- Ahmed Yasin Ali, oo ah 57 jir degan Brooklyn Park, Minnesota, wuxuu sameeyey goob cunada lagu qeybiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

38- Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan Lakeville, Minnesota, madaxa goob cunada laga bixiyo oo ay maamusho Lake Street Kitchen kana tirsan JigJiga Business Center.

214440cookie-checkTiro Badan Oo Somali-American ah oo Lagu Eedeeyay Dembiyo la Xiriira Khiyaano & Dhac
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com