Xubno Taageersan Farmaajo Oo Loo Diiday Iney Arkaan Rooble

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Xubno taageersan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu hormuud u yahay Cali Maxamed Geedi oo maalmahaan ku mashquulsansa sidii ay ula kulmi lahaayeen Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta Mr.Rooble..

Xubnahaan oo ka soo jeeda Beesha Mudulood (Abgaal), oo maalmahaan laga soo tashkiilinaayay Villa Somalia ayaa damacsanaa iney Mr.Rooble u gudbiyaan in Eedeysane Yasin Faray loo daayo Hogaanka NISA isla markaasna Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur uu ku sii nagaado Wasaarada Amniga.

Dhanka Kale Taageerayaal Daacad u ah Qorqor ayaa xalay la kulmay Mr.Rooble iyagoo ka codsaday in dib loo soo nooleeyo Nabadii iyo Waan waantii uu waday Qorqor, labada ergo ayaa la sheegay in Mr.Rooble uu ka diiday dalagyadii iyo baaqyadii ay u soo jeediyeen, wuxuuna faray Mr.Qorqor inuu dib ugu laabto Dhuusa mareeb oo dhameystiro Doorashada Aqalka Sare isla markaasna diyaariyo Doorashada Aqalka hoose.

143130cookie-checkXubno Taageersan Farmaajo Oo Loo Diiday Iney Arkaan Rooble