Falanqeynta:-Maxaa Keenay Inuu Fashilmo Isbaheysigii ay Abaabulkeedu waday USA Dhana ka ahaa Xoogaga Xuutiyiinta Yemen…

U.S. World

Kadib Dagaalkii 7-dii October ee Ciidamada Yuhuuda iyo Xoogaga Iska Caabinta Hamas ee 79-ka Maalmood socda, ayaa Dowlada USA oo loo xagliyo iney taageero dhanka Siyaasada, Saadka iyo Sahayda u fidiso Israel, ayaa si hal haleel ah u abaabushay Isbaheysi ay ugu magac dartay “Operation Prosperity Guardian (OPG), iyadoo Wasiirka Difaaca uu sheegay in badan 10-Dal ay ku taageereen Maraakiib Dagaal si Dagaal loogu qaaday Dalka Yemen…

Ciidamada Caalamiga ah ee uu Maraykanku horgalka uu ahaa iney ka difaacaan Maraabiikta Israel ee Badda cas ee mara kuna xirta Dekeda Eilat ee Israel weerarrada Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa maalmahaan u muuqda iney si weyn u daciifeen – xitaa haddii aysan ku dhiman biyaha – ka hor inta uusan Howlgalku bilaaban.

Ciidamada Badda ee Maraykanku waxay horeyba Badweynta Hindiya iyo Badda Cas u geeyeen tiro badan oo maraakiib Dagaal ah, Khubarada ayaa is weydiinasya maxay ugu baahan yihiin inay waydiistaan Wadamada saaxiibka ah inay Maraakiib dagaal ku soo biiriyaan, Mid ka mid ah sababaha ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay Dagaalka Gaza oo Saraskiishiisa Ciidamada, Hey’adaha wax basaasa ay si toos ah qeyb uga yihiin Khasaarene dhimasho xambaarsan ka soo gaaray.

Sababta kale ee Diidmada Dowladaha Khaliijka iyo kuwa Europe (France, Spain iyo Norway) ayaa lagu fasiray iney tahay rabitaan siyaaaadeed & mid dhaqaale ineysan xiligaan dagaal daba dheeraada ka geli karin dagaalka Yemen, Jaahwareeryada siyaasadeed iyo kuwa Ciidan ee USA ayaa waxa inta badan ku xiran tahay barta Istrateejiyadeed iyo Juquraafiga iyo Dalka Yemen ee goobta (Bab al Mandeb) oo ah marin muhiimka ah er isku xira badweynta Hindiya iyo Badda cas, Marinka ayaa wuxuu ballaciisu yahay 29km oo keliya (16 nautical miles) halka ugu ciriirsan.

Shirkadaha Maraakiibta ayaa waxey dalbadeen in la ilaaliyo, Beesha Caalamkuna iyagoo ogsoon baahida loo qabo in la ilaaliyo marinada Maraakiibta, inkastoo lagu kala qeybsan yahay, waa haddiiba Bil kasta 200 Markab ayaa ka gudba Suez canal jiho kasta oo sida wax aan ka yarayn 3-Konteenaro ku darsoo waxaa lagu jiraa xiligii Ciida Masiixiga iyo Soo dhoweynta Sanadka cusub ee Miilaadiga.

Waxa hubaal ah in Aqalka Cad aanu isla markaaba la imaanin qorshe howleed cad oo lagu joojin karo iyo ku lug lahaanshiyaha dagaalka Gaza, laakiin go’aanka lagu daadgureynayo Maraakiibta Gabowga ah ee Ciidamada Badda iyo Diyaaradaha Dagaalka ee hawada Gobolka ayaa si aan laga fiirsan loo go’aamiyay, talaabadaan ayaa dab ku sii shiday xiisadii taagneyd , waxeyna Khubaradu isku raacsan yihiin in Xiligii xukunka Aduunka ee Isbaheysiga Angolo-Saxson-ka uu gabaabsi yahay sidii kuwii France-UK ee suez Canal.

295620cookie-checkFalanqeynta:-Maxaa Keenay Inuu Fashilmo Isbaheysigii ay Abaabulkeedu waday USA Dhana ka ahaa Xoogaga Xuutiyiinta Yemen…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com