Haween Banaanbaxyo Ka Dhigay Magaalada Garoowe Oo La Xiray

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro aan badneyd oo Haween Banaanbaxyo Ka Dhigay garoonka Ciyaaraha Magaalada Garoowe shalay, waxaana la sheegay in laga soo abaabulay Haweenkaan Villa Somalia oo dhaqaale ku bixisay sidii loo dhigi lahaa dibadbaxaan…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Tiro yar oo 15-xubnood oo Haween ah ay Ciidamada Amaanka ku qabteen gudaha garoonka ciyaaraha Magaalada Garoowe, kuwaasoo ku dhawaaqaayay “Deni Dooni meyno, Kali talis dooni meyno” iyo eryo kale.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Qorsheynta Mr.Jamaal Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cali Xoosh Lagu Eedeeyay iney soo abaabuleen dibadbaxa Dumarkaan isla markaasna ay dhaqaale kaga soo qaateen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo si loo fashiliyo abaabulka iyo dabaaldaga maalinta la dhidibada loo taaga Maamulka Puntland oo ku beegneyd 1-da Agoosto.

132600cookie-checkHaween Banaanbaxyo Ka Dhigay Magaalada Garoowe Oo La Xiray