Ma Dhabaa in Dib Loo Fasaxay Qaadka Miroowga Kenya

Africa News Somalia news

Warar hordhac ah oo naga soo gaaray Magalaada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya Xukuumada dalkaasi ay shaacisay in dib loo fasaxay ganacsigii Qaadka ee ay u dhoofin jirtay Somalia kadib heshiis ay la gashay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Hassan Sheekh…

Wasiirka Beeraha Kenya Mr.Peter Munya ayaa sheegay in ganacsiga Qaadka ee Somalia dib loo bilaabi doono todobaadyada soo socda sida ay qortay Jariidada Daily nation ee ka soo baxda Nairobi.

“Kenya ayaa dib u bilaabi doonta dhoofinta qaadka ee Somalia labada toddobaad ee soo socda gudahood” ayuu yiri Mr Munya oo intaas ku daray in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu heshiis la galay Somalia.

Dowlada Somalia ma xaqiijin Warkaan hase ahaatee Madaxweyne Hasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb galeysay xaflada caleemo saarkiisa oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho. kuwaasoo uu ku jiray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Somalia ayaa waxaa hadda la keenaa Qaadka hareeriga ee ka baxa Itoobiya kaasoo qiime ahaan ka qaalisan Qaadka ka baxa Kenya, iyadoo Qaadkaasi loo xiray Farmaajo Walaalkiis iyo Shaqsiyaad kale oo ka jeeda Beelaha Gobolada Benaadir iyo Galguduud.

194060cookie-checkMa Dhabaa in Dib Loo Fasaxay Qaadka Miroowga Kenya