Xaalad Adag Oo Ka Taagan Qoryooley..

World

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inay xaalad adag oo Dhanka nolosha iyo daryeel ka Dadka Ciidamada ay ku soo korortay degmadaasi, kadib markii la burburiyay buundadii ugu weyneyd ee degmadaasi.

Maleeshiyada Kooxda Shabaab oo maalintii Arbacada weerar xoogan ku qaaday Degmada Qoryooley ayaa waxaa u suurta-gashay inay qarax ku burburiyan buundadaasi, oo Talyaaniga uu dhisay sanadkii 1954-kii, waxaase la fashiliyay oo laga hortagey qarax kale, oo ay doonayeen inay ku burburiyaan buundada labaad ee degmadaasi ku taala.

Buundada la burburiyay ayaa ahayd midda keliya ee ay adeegsan jireen amaba mari jireen gaadiidka ganacsiga sida iyo kuwa kale ee xamuulka ah ee tagga Degmada Qoryooley, oo qiyaastii 120-km u jirta Magaalada Muqdisho.

Tan iyo Arbacadii ayuu hakad ku yimid gaadiidkii ganacsiga iyo khudaartaba keeni jiray Degmada Qoryooley, sababo ku aadan iyagoo aan isaga kala gudbi karin buundada kale, ee aan la burburin.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, Siid Cali Ibraahim ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabku ay buundadaasi ku qarxiyeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iminkana ay buundadu tahay mid aan la mari karin.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay inaanay Degmada Qoryooley joogin askar ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka, kuwa iminka joogana ay yihiin ciidan madani ah, oo isu xil saaray inay degmada ka difaacaan Shabaab, waxaana uu Madaxda Qaranka ugu baaqay in la qarameeyo ciidankaasi, xuquuqdoodana la siiyo.

18230cookie-checkXaalad Adag Oo Ka Taagan Qoryooley..