Somalia Oo ku Hungoowday Damac ay ku bixisay Qaaraankii Dhaqaale ee IGAD..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ayaa markii ugu horreysay waxey bixisay Qaaraankii dhaqaale ee Urur Goboleedka IGAD tan iyo sanadkii 1988-kii dhidibada loo taagay dhismaha Ururka, iyadoo ay bixisay dhaqaale dhan 500,000 US$…

Wararka ayaa sheegay in bixinta Qaaraankaan uu qeyb ka ahaa qorshe ay Villa Somalia ku dooneysay in isbedel balaaran lagu sameeyo Hogaanka sare isla markaasna laga dhigo mid meerto ah bacdamaa xiligaan ay jagooyinka Ururka kala qaataan Ethiopia iyo Kenya, waxeyna Dowladdu dooneysay in la kordhiyo Hogaanka sare ee IGAD gaar ahaan jagooyinka Kuxigeenka iyo Xoghayaha Guud.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Xasan Sheekh uu doonayay in Xilkaan uu ku fadhiisiyo Mr.Maxamed Cabdi Waare, oo haatan ku magacaaban Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha Xasilinta, bilihii ugu dambeeyayna safaro shaqo ku kaka bixinaayay Xarumaha Maamulada Gobolada, Waxaana la sheegay in Madaxda IGAD ay isla meel dhigeen in dib loo dhigo soo jeedinta Somalia.

Ethiopia ayaa xiligaan heysata xilka Xoghayaha guud ayaa la sheegay iney hindisaha Somalia ka reebtay war-murtiyeedka halka ay oggolaasho ka heshay Madaxda IGAD muddo kordhinta ay u sameeyeen Xoghayaha Guud, iyadoo jagada Somalia la siiyay lagu falanqeyn doono Kulanka soo socda ee Golaha Wasiirada ee IGAD.

260640cookie-checkSomalia Oo ku Hungoowday Damac ay ku bixisay Qaaraankii Dhaqaale ee IGAD..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com