Soomaalida iyo Canfarta oo Dagaal ku dhex maray Gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida-Ethiopia

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Siti ayaa sheegaya inuu Magaalada Asbuli uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Dad hubaysan oo ka kala tirsan Soomaalida iyo Canfarta, sida dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta…

Wararka ayaa sheegay in Dagaalkan uu billowday kadib markii kooxaha Xoogaga Liyuuga Cafarta ah oo kaashanaya kuwa degaanka ay soo weerareen Ciidamada Liyuu Boliiska Soomaalida iyo Dad Rayid ah oo ku sugnaa magaalada Asbuli oo ka tirsan gobolka Siti ee degaanka Soomaalida, dagaalka ayaa dhaliyay Khasaare.

Dadka Degaankaas ayaa inta badan aaminsan in Dowladda dhexe ee Ethiopia gaar ahaan Ciidamada Fedaralku ay marwalba la safan yihiin ama taageeraan Ciidamada Liyuu Booliska Canfarta, iyadoo hadda ka horna uu Ugaaska beesha Ciise uu Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Fedaralka Ethiopia ay qayb ka yihiin colaadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta.

248740cookie-checkSoomaalida iyo Canfarta oo Dagaal ku dhex maray Gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida-Ethiopia