Faaqidaada Ka Laabashada Muddo Kordhinta & Diidmada Shacbiga Caasimadda

Somalia news

Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Mr.Farmaajo ayaa maanta hadal u jeediyay Garabka taageersan Ee Baarlamaanka Federaalka kuwaasoo dhowaan siiyay muddo kordhin (2-sano ah) balse si weyn looga horyimid, wuxuuna hadal jeedintiisu xogga ku saaray dagaaladii ka dhacay Caasimadda Mogadishu, Arrimaha Doorashooyinka, Kala qeybsanaanta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo inuu labada Aqal Ee Baarlamaanka midkoodu uu la saftay, isagoo ku dhiiraday inuu inkiro Saameynta Aqalka Sare Ee Federaalka..

Farmaajo ayaa sheegay in wararkii 12-kii April 2021 in si weyn looga horyimid ayna diideen Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta, wuxuu dagaalkii Mogadishu ka dhacay ku sheegay mid la soo Qorsheeyay oo dano gaar ah laga lahaa, wuxuuna afkiisa ka ilaaliyay In Qalalaasahaasi uu sababay muddo kororsigii aamusnaa Ee Xildhibaano yar (57) ay ansixiyeen isaguna saxiixay.

Wuxuu isku dayay inuu awood aan jirin u yeelo Baarlamaanka wakhtigu ka dhacay, isagoo isku amaanay inuu talada qeyb ka siiyay Baarlamaanka intii uu Xafiiska joogay, Farmaajo ayaa ismoogeysiiyay inuu la hadlaayo qeyb ka mid ah Labada Ee Baarlamaanka Federaalka ka kooban yahay, Farmaajo oo u muuqda Nin qasban ayuu ka codsaday iney ka laabtaan Go’aanka Muddo Kordhinta.

Wuxuu sheegay inuu oggol yahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal lana aado Doorasho, wuxuu carabaayay in daadihinta Doorashada iyo Amaanka, uu ku wareejiyo Dowladda xil gaarsiinta, intaasi kadib ayaa Gudoonka cod geliyay isla markaasna oggolaaday. Fariintiisa (Farmaajo) ayaa laga dheehan karay Nin quus taagan oo awoodii uu is-bidaayay ee xagga Ciidamada Dowladda Federaalka ay meesha ka baxay (Dhedo roob noqon weysay).

Sababaha loogu qasbay inuu wareejiyo Ambiga Dalka ayaa lagu fasiray in Ciidamada Dowladda oo uu u adeegsaday danihiisa gaarka kuna weeraray Siyaasiyiin iyo Waxgarad, sidoo kale waxaa u baahan in laga heshiiyo Ciidamada Gobolka Gedo uu geeyay, Waxaa kale ee looga fadhiyaa inuu qoro warqada Xil gaarsiinta si uusan ugu takri falin isla markaasna Xilal iyo darajooyin u magacaabin.

Kooxda la talisa ayaa in muddo ah Odayga ku hurdisiinaayay riwaayadii loogu dhigi jiray Villa Somalia, Waxaana ka mid aheyd in Shacbiga Magaalada Mogadishu aysan diyaar u aheyn iney dagaal galaan oo dhismayaasha iska burburiyaan, ayna ku qasban yihiin iney oggolaadaan Muddo Kordhinta, laakin talaabadaasi ayaa beenowday kadib markii Odayaasha Dhaqanka iyo Ganacsato ay si cad u sheegeen iney diyaar u yihiin iney maalgelinayaan dagaalada si looga Dalka Doorasho looga qabto.

115990cookie-checkFaaqidaada Ka Laabashada Muddo Kordhinta & Diidmada Shacbiga Caasimadda