Maamulka Abiy Oo Ururo Hubeysan u Aqoonsaday Argagixiso

Somalia news

Maamulka Abiy ee Ethiopia ayaa la sheegay in Ururo Siyaasadeedyo ka dhisan Dalkaasi, ayeey u aqoonsadeen iney yihiin kooxo argagixiso, dhawaaqaan ayaa la sheegay inuu meesha ka saaray sidii xal Siyaasadeed loogu heli lahaa Khilaafka u dhaxeeya Hogaanka Dalka iyo Xisbiyada qaarkood…

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradu Dowladda Ethiopia ayaa waxay ku ansixiyeen sabtidii shalay hindoes sharciyeed loogu aqoonsaday Ururada TPLF iyo weliba kooxda kale ee OLF-Shen inay yihiin argagaxiso, kadib weeraro dhowr ah oo degaano kala duwan oo dalka ah lagu bartilmaameedsaday Dad shacabka ah iyo kaabayaasha bulshada.

Tallaabadan ayaa horseedi karta in Hey’addaha Amaanka ay ugaarsadaan, la xiro, dacwad ku soo oogaan xubnaha kooxahan iyo taageerayaashoodaba, iyadoo soo jeedinta Golaha Wasiiradu ay u gudbiyeen Baarlamaanka Federaalka Ethiopia si loo ansixiyo.

Warbixin ay daabacday horaantii bishii April ee sanadkan hay’ada ka hortagga khilaafaadka ee ICG oo fadhigeedu yahay Brussels ayaa lagu sheegay in weli ay dagaalo ka dhacayaan bartamaha iyo koofurta Tigray.

Tirada dagaalyahanada daacada u ah Ururka TPLF ayaa u muuqata inay sii kordhayso sababta oo ah carada sii kordhaysa ee ka dhalatay tacadiyada, ayay tiri Hey’addu.

116020cookie-checkMaamulka Abiy Oo Ururo Hubeysan u Aqoonsaday Argagixiso