Ciidamada (Ethiopia) Amisom Oo Hub & Rasaas Ka Dejiyay Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Diyaarad sida Hub & rasaas ayaa shalay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Diyaaradaan ayaa kasoo duushay garoonka diyaaradaha Ee magalada Baydhabo waxaana Saanadaan laga so qaaday Ciidamada Ethiopia ee katirsan  AMISOM ee fadhigooda yahay Baydhabo…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Duulimaadyada diyaaradaan aysan aheyn markii ugu horeysay Waxaana xaqiijiyay in dhowr duulimaad ay sameeysay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la og oo raalina ka ah Hogaanka Rayidka iyo Amisom, Maalmihii, iyadoo sidoo kale 100-Nin oo Beesha Madaxweynaha Konfur galbeed ka soo jeeda oo Hubeysan sidoo kale laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu si ay qeyb uga noqdaan dagaalada la filaayo iney ka dhacaan magaalada.

Midowga Musharixiinta waxaa lagudboon ineysan wakhtiga ku lumin baaqyo iyo wada hadal aan miro dhal noqoneynin Ee isku diyaariyaan sidii Caasimadda looga Xoreynta lahaa Maamulka maafiyada ah ee isbiirsatay oo dooneysa iney dhiiga Shacbiga Soomaaliyeed ka macaashto.

115940cookie-checkCiidamada (Ethiopia) Amisom Oo Hub & Rasaas Ka Dejiyay Mogadishu