Inta badan Bulshooyinka waxey isku raacsan yihiin in Fariidnimada, aynu ku tilmaanaa qofka aynu ku tuhmayno garaad dheeri, Laakiin waxaa mararka qaarkood innagu dhacda in qofka aynu ku aragno fariidnimo, haddana meelaha qaar ama dhaqanda qaar aynnu su’aal iska weydiinno in fariidnimadaasi ay run tahay…
Dhammaan awoodaha garasho ama maskaxeed ee loo baahan yahay si loo helo aqoonta, iyo in aqoontaasi loo isticmaalo si wanaagsan si loo xaliyo dhibaatooyinka leh yoolal iyo qaab-dhismeed si fiican loo sharraxay.” Luuqadda caadiga ah, qofku wuxuu oran karaa caqligu wuxuu tilmaamayaa sida aad u caqli badan tahay ama u xariifsan tahay.
Fariidnimada ama Garaad-badnaantu waxa ay ka mid tahay arrimaha aanu Aadanuhu weli aqoonteeda ka gungaarin, Waxaa joogto u soo baxa daraasado iyo cilmi-baariso lagu baranayo, waxase la ogyahay in aanay jirin hal fariidnimo ee ay jiraan noocyo ama dhinacyo kala duwan oo uu Qofku fariid u noqon karo, iyadoo dhinacyo kalana lagaga fariidsan yahay.
Si guud ahaaneedna waxaa jirta qiyaas ama halbeeg guud oo lagu cabiraayo in Qofku uu dadka la midka ah ka garaad iyo Fahan-sareeyo, Waxa ay noqon kartaa heerar kala sarreeya, tusaale ahaan qof hooseeya, mid dhexe ama dabiici ah, iyo mid aad u sarreey,. Waxaa lagu qiyaasaa dhibco iyo halbeegyo la isla yaqaanno oo lagu qiimaynayo heerka garaad badnaanta ee qofka (Intelligence quotient – IQ).
Waxaana ka mid ah:-
-Fariidnimo ah maskax furnaan, faham, ildheeri, iyo in qofku awood u leeyahay in uu dareenkiisa iyo caadifaddiisa iyo ta dadka kalaba maarayn karo. Waxaa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa (Emotional intelligence – EI).
-Fariidnimo ama garaadsamaan la xiriirta goob ama aag gaar ah Tusaale, waa qofka oo si dadka caadiga ah ka saraysa u dhugta xiriirka ka dhexeeya muuqaallada iyo xaaladaha kala duwan ee dunida ku xeeran uu ku arkayo, waxa uu awoodaa inuu mala-awaalo humaag muuqaalka ama xaaladda kadibna uu ku xiro ama is dhexgelin karo humaagyo kale.
-Fariidnimo dhinaca luuqadaha ah ayaa jirta, qofku waxa uu awood maskaxeed oo sare u leeyahay isticmaalka iyo ku hadalka afka, barashadiisa, ku xiriiristiisa, fahamkiisa, iwm. (Linguistic intelligence).
-Waxa kaloo ka mid ah dhinacyada Mu’alifka Gabayada/Heesaha, Muusikada iyo Mulaxanimada, fahamka iyo akhriska dareenka iyo xarakaadka qofku samaynayo, isticmaalka xaraadka jirka, qancinta iyo jihaynta ama kasbashada maskaxda qofa, dhexgalka iyo isfahamka dabeecadaha qofka, sababaynta, xal u helidda dhibaatooyinka, fikirka, iyo kuwo kale oo badan.