Midowga Yurub Oo Joojiyay Gargaarkii & Taageeradii ay u fidin jireen Falastiin & Sababta..

World

Dalalka ku bahoobay Midowga Europe ayaa joojiyey gebi ahaan Gargaarkii iyo Taagaaredii horumarineed ee ay u fidin jireen Falastiin wixii ka dambeeyey weerarka kooxda Hamas ay ku qaadday Israa’iil, sida uu ku dhawaaqay Ururkaasi Maalintii shalay…

Soo jeedinno hindise-miisaaniyadeed oo dheeri ah oo gargaarkan la xiriira ayaa sidoo kale dib loo dhigay “ilaa amar dambe,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Xaafadaha iyo Ballaarinta ee Midowga Yurub, Oliver Varhelyi.

”Brussels waxay dib u eegis ku samayn doontaa dhammaan gargaarka iyo siyaasadda horumarinta ee ku wajahan Falastiin,” ayuu sarkaalku yiri, isagoo ku andacoonaya in “miisaanka argagixisada iyo naxariis darada ka dhanka ah Israa’iil iyo dadkeedu” ay ahayd “sababta isbedelka ka keentay” Midowga Yurub, sida uu ku doodayo.

281090cookie-checkMidowga Yurub Oo Joojiyay Gargaarkii & Taageeradii ay u fidin jireen Falastiin & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com