Wax ka Ogow Dagaalka Faraha looga Gubtay ee Hamas & Yuhuuda oo Maalintii 4-aad ka Socda..

World

Waxaa maalintii 4-aad galay dagaalka faraha looga gubtay ee u dhexeeya ciidamada Israel iyo dagaalyahanada kooxda Hamas ee ka socda gudaha Dhulka Falastin iyo Yuhuuda, Waxay dhinacyadaan ku dagaalamayaan ilaa sideed goob oo 4-tii maalin ee lasoo dhaafay uu dagaalka ka socday, Sidaas oo kale, waxaa weli ku socda magaalada Gaza duqeymaha cirka ee Xoogaga Israel, kuwaasoo burbur xoogan u geystay Degaanka..

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayeen in duqeymaha Israel ay ku dhaceen Dugsi ay leedahay Qaramada Midoobay oo gabaad u ahayd boqolaal rayid ah, waxaa soo shaac baxay Fashil ku habsaday Hey’adaha Sirdoonada USA, UK iyo Israel kuwaasoo pgan waayay Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Hamas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

Weerarka Israa’iil ayaa la qorsheeyey in la qaado iyadoo dalku u muuqdo inuu aad ugu sii jeedo is qabqabsiga siyaasadeed ee ka dhex jira Maamulka ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, Waxaa kalo weerarka looga gol-lahaa “in Khalkhal lagu geliyo wadahadallada uu Maraykanku garwadeenka ka yahay ee lagu caadiyeynayo xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil, kaasoo ay Iran khatar u aragto sida ay sheegeyso warbixinta.

Qorshaha balaaran ee xerldheerayaasha dejiyay khidadaan ayaa wuxuu ahaa in la abuuro dhowr furin oo gudahs dhulka israa’iil laga soo weeraro, iyadoo ay Xisbullah iyo jabhadda xoraynta Falastiin ka soo qaadayaan waqooyiga, halka Islamic Jihad iyo Hamas ay ka soo qaadayaan Gaza iyo Daanta galbeed.

Xoogaga Hamas ayaa weerar cirka, dhulka iy badda ah ku qaaday Israa’iil arooryadii sabtidii, howlgalkaan ayaa fajac iyo la yaab ku noqday Reer galbeedka sida xeeladaysan ee loo soo qorsheeyey loona fuliyay Weerarkaasi oo dad badan ay ku qafaasheen ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in tirada dhimashada ee labada dhinac ay marayso 2-3,100 Qof.

Qabashada tiro Sareeyayaal Israel ah:-

Saacadihii ugu horeeyay ee Howlgalka Kooxda Hamas ee Gaza waxey gacanta ku dhigeen ilaa 4-5 General oo uu ku jiro Gen.Nimrod Aloni oo dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil, isagoo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah.

281160cookie-checkWax ka Ogow Dagaalka Faraha looga Gubtay ee Hamas & Yuhuuda oo Maalintii 4-aad ka Socda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com