Askar ka tirsan Ciidamada Badda USA oo lagu la’yahay Badda Somalia..

U.S. World

Wasaarada Gaashandhigga Mareykanka ayaa ka hadashay dhacdo Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Somalia, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay…

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan, Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

300690cookie-checkAskar ka tirsan Ciidamada Badda USA oo lagu la’yahay Badda Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com