Mustaqbalka & Saameynta US-Dollars Oo Mugdi Si Galaaya

World

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga dunida wuxuu soo maray heerar kala duwan oo taariikho badan iyo sidii uu Ganacsatada & Gadisleysa caalamku wax u kala iibsan jireen, Aduunkaan berigii hore waxaa wax lagu kala iibsan jiray lacag qadaadiic ah oo Maar, Qalan iyo Dahab ka sameysan…

WAX KASTA OO QIIMO LEH OO AYNU HAYSANO , WAXA LAGU QIIMEEYAA AMA LAGU QIYAASAA DOLLAR.?

HADABA LAGACTA DOLLAR-KA AH, MAXAA LAGU QIIMEEYAA AMA LAGU QIYAASAA AMA LAGU MIISAAMAA?

GOORMA AYUU DOLLAR-KU DUNIDA QABSADAY IYO GANACSIGIISU, MUSTAQBALKA DOLLAR-KU SIDUU YAHAY XILLIGAAN?

Hadaba Dollar-ku saameynta dhaqaalihii dunida waxa uu la wareegay shirkii iyo heshiiskii ka dhacay dalka Maraykanka 1944-kii, magaalada Britain Woods, xili uu dagaalkii dunida ee 2-aad soo dhamaanaayo, oo ay dalalkii iyo quwadihii dunida isku baa ba,een oo ay burbureen  laakiin dalka Maraykanka burburkaasu muu gaarin oo dhaqaalihiisii iyo Ciidamadiisu iyo siyaasadiisiiba dunida way qabsatay oo wuu kala wareegay quwadihii jiray dunida (Britain, France iyo Germany).

1971-kii ayaa madaxweynihii Maraykanka Nixson ku dhawaaqay oo iclaamiyay in la kala furay xidhiidhkii iyo qiimihii Dahabka.

1973-dii waxa dhacay dagaalkii carabta iyo Israel ee ay dalalkii carbeed ee Petrol-ka dunida soo saari jiray ay ka joojiyeen dalalkii reer galbeedka ahaa ee Israel taageeray dagaalka, Talaabadaasi oo shidaalkii caalamka sicirkiisii cirkaa maray oo caalamka ka abuurtay baahi shidaal oo weyn.

1974-kii shirkii iyo heshiiskii lagu galay dalka Jamaica ayaa waxa lagu heshiiyay in dal kasta iyo cid kasta oo Petrol ama Gas iibsnaysa ay ku bixiso lacagta Dollar . oo lacag kasta ama Dahab kasta oo aas haysato , marka hore ay Dollar ku soo iibsadaan oo aad ku bixiso Dollar, Talaabadaan oo ay isla qaateen dalalkii dunida ugu shidaalka badnaa ee Saudi Arebia iyo (dalallkii Khaliijka ee kale) iyo dalka Maraykanka.

Dalal kale oo dunida ka mid ahina ayaa iyaguna waxay doonayaan in lacag caalamka ka dhaxaysa oo wax lagu kala iibsado la sameeyo oo uu hogaaminaayo dalka China, Russia, India & Brazil, si looga baaqsado Siyaasadaha qalafsan ee Hanjabaada Cunaqabateynta xambaarsan ee Mareykanka, kuwaasoo la degay Ganacsiga Aduunka.

Talaabadii uu Putin (Madaxweynaha Ruushka uu qaaday iyaduna Khatar ayay ku tahay Dollar-ka iyo wax ku iibsadkiisii, wuxuuna isku xiray Shidaalka & Gas-ka uu soo saaro inuu lagu Dahabka ama Ruble-ka.

183680cookie-checkMustaqbalka & Saameynta US-Dollars Oo Mugdi Si Galaaya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com