Cabasho xoogan ayeey Xisbiyada Mucaaradka ka keeneen in Agaasimaha Sirdoonka (NISA) uu maamulo Doorashada, doona xulo Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka isla markaasna noqdo madaxa dib u Doorashada Mr.Farmaajo, talaabadaan ayeey ku tilmaameen iney iska cadahay iney dhici doonto ku shubasho Doorashada sanadka 2021…
Musharixiinta ayaa soo jeediyay in laga noqdo Xubnaha loo magacaabay Guddiyada Doorashada iyo kuwa Khilaafaadka, kuwaasoo u badan Shaqaalaha Madaxtooyada iyo Saraakiil ka tirsan NISA, isla markaasna la magacaabo guddi Doorasho oo wadar oggol ah, iyagoo ku hanjabay iney qabsan doonaan doorsho u gaar ah.
Duqa Muqdisho oo Wareegto ku magacaaban ayaa hanjabaad dil xambaarsan hawada u mariyay Musharixiinta, isagoo soo daliishaday Aayad Qur’aanka ah, isagoo ku sifeeyay “Munaafiqiin”, hadii ay bootadooda Afka soo dhaafto iskuna dayaan iney xasiloonida caasimada khalkhal geliyaan.
Musharixiinta ayaa si adag u cambareeyay Dhawaaqa Colaad hurinta Duqa Muqdishu, waxeyna sheegeen iney “Hanjabaad dhab ah” u qaadan doono ka soo baxday Madaxtooyada Somalia, iyadoo hanjabaadaasi kadib la abaabulay Bananbaxyo barakacayaal u badan.
Xiisadaha ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo Colaad hurinta ayaa u muuqanayaa in Dalka uu cagta saaray Wado mugdi ah oo dib ugu celinaaya dagaaladii sokeeye, iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka lagu Eedeeyay iney dusha in ka eegayaan, iyagoo ka baaqsaday iney soo fara geliyaan Xiisadaha ka dhashay Guddiyada Doorashada.
Farmaajoow Talo adigaa ku nool ee iyada kuguma noola, qabo Doorasho xaq ah oo xalaal ah daah-furnaan ku dhisan, hadii aad diido oo yeesho talada kuwa Gurbaadka colaadeed tumaaya, waxaad ka macaashto cidna ha ku eedin, sidaas waxaa kula taliyay Prof.Kabire.