Farmaajo Oo Ka Carooday Guddiga Doorashada Qaarkood

Somalia news

Warar laga helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu ad u saluugay soo xulista xubnaha ay qaar kamid ah Maamulada u soo xusheen iney ka mid noqdaan Guddiyada Doorashada ee dhowaan la filaayo iney howshooda guda galaan…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiisha Villa Somalia iyo Hogaanka NISA ay xiriiro la sameeyeen Madaxda Maamulada Galmudug iyo Konfur galbeed, iyagoo u sheegay inuusan marnaba ku qanacsaneyn Xubnaha qaarkood oo ay u soo xuleen iney ka mid noqdaan Guddiyada Doorashada, waxaana lagu wargeliyay iney soo bedelaan xubnahaasi, iyadoo lagu sababeeyay ineysan la jaanqaadi karin rabitaanka Mr.Farmaajo.

Dhaliilaha xubnaha Galmudug ay u gudbiyeen laba Maamul, ayaa waxaa kamid ah in aysan waafaqsaneyn qoondada haweenka iyo heshiiska doorashadda 2020-21 maadaama dhamaan xubnaha uu Qooqqoor xushay ay rag wada yihiin.

Maadaama uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn, Farmaajo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan fileyn in xubno taabacsan ay ka imaan doonan dhankooda, marka loo eego Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo hoostaga Fahad Yasin & Villa Somalia.

Farmaajo oo ku guuldareystay inuu ka dhabeeyo balanqaayadiisa ololaha doorashadii 2017 – kuwaasoo kala ahaa Amniga, Doorasho qof iyo cod, Dagaalka Shabaab iyo Qabyo-tirka Dastuurka ayaa haminaya in uu soo laabto.

69320cookie-checkFarmaajo Oo Ka Carooday Guddiga Doorashada Qaarkood