Mareykanka Oo Ka Caawinaaya Somalia Xakameynta Ilaha Dhaqaalaha Shababka

Somalia news

Maamulka Washington ayaa sheegay inay diirada saarayaan sidii xaddidaada awooda Dhaqaale loogu Sibii lahaa ilaha dhaqaalaha Ee Kooxda Shababka, kuwaasoo ku howlgeliso Maleeshiyaadkeeda isla markaasna ugu fuliso weerarada ka dhanka ah Dadka rayidka ah, waxaa sidaasi  lagu sheegay warbixin kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Somalia….

Maraykanka waxay tilmaamtay wax ka qabashada khatarta joogtada ah ee al-Shabaab in ay u baahan tahay wada shaqeyn dhow oo dhexmarta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo carqaladeeyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan Shabaabka.

“Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Somalia sidii ay uga faa’iideysan lahayd nidaamka cunaqabateynta hubka iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri warkan.

Dowladda Maraykanka waxay ka codsatay dowladaha Xubnaha dowladda federalka inay taageeraan tallaabooyinka lagu xakamaynayo ilaha Shababka ka helaan dhaqaalaha.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo ka hor markii hay’ad cilmi baariseed ay shaacisay in dhaqaalaha Shababka kasoo gala canshuuraha (Baada) uu ka badan yahay midka dowladda usoo xarooda.

69370cookie-checkMareykanka Oo Ka Caawinaaya Somalia Xakameynta Ilaha Dhaqaalaha Shababka