Madaxtooyada Oo Diyaarisay Qorshe Dib Loogu Dhigaayo Doorashada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe laga diyaariyay Madaxtooyada Somalia, taasoo salka ku heyso sidii qalalaase siyaasadeed looga abuurtay lahaa degaano xiligaan nabdoon, Waxaana laga Cabsi qabaa iney doorashada dib u dhacdo…..

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in degaanada B/Xaawo, Hir-Shabelle iyo Puntland durbadiiba laga dareemay qalalaaso Siyaasadeed oo laga qorsheeyay Villa Somalia si uu helo dib u dhiga Doorashada, waxaa Degmada B/Xaawo laga wadaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyadoo duulan joogto ah lagu qaado Magaalada Mandheera.

Dhanka kale, Waxaa qeylo Dhaan ka soo yeereysaa Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Ee soo xulay Xildhibaanada Hir-Shabelle, iyagoo ku Eedeeyay Guddiga Doorashada iyo Hogaanka NISA ineysan qaadan Xildhibaanadii ay soo xuleen, isla markaasna Liis laga keenay Muqdishu lagu bedelay kuwii runta ahaa.

Sidoo kale, Magaalada Garoowe ayaa la sheegayaa in laba Gudoomiye kuxigeenada Gudoonka Baarlamaanka Puntland laga geeyay Mooshin Xilka looga qaadaayo, bacdamaa ay diideen iney qeyb ka noqdaan Qorshe ay wadato Villa Somalia, waxaana Wararka qaarkood ay sheegaayaan in Dhaqaale lagu bixiyay sidii loo carqaladeyn lahaa Nidaamka Baarlamaan Ee Puntland.

69290cookie-checkMadaxtooyada Oo Diyaarisay Qorshe Dib Loogu Dhigaayo Doorashada