Ma Dhabaa In Ardayda Jaamacadaha Ay Abaabul Wadaan

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa sheegayaa in Ardayda qeybaha kala duwan ee Jaamacadaha Gobolka Banaadir ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabul banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Mr.Farmaajo…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ardaydaan ayaa cabasho ka muujiyay Xirnaashaha Jidadka iyo dhaqan xumida Ciidamada Maamulka Farmaajo, Baada,Dilalka Bareerka ah & in Gobolka Banaadir loo diidan yahay Maamul ay dhistaan.

Talaabadaan hadii ay hirgasho ayaa noqoneysa Tii ugu horeysay ay Ku Midoobaan Dhalinyarada dhigata Jaamacadaha Muqdisho lamana saadalin Karo natiijada ka dhalan karta abaabulkooda ,waxeyna fursad unoqon doontaa iney badbaadiyaan dalka maadama laga cabsi qabo in dalka galo dagaal sokeeye.

Abaabulka Ardayda ayaa ka socda aalada What’s app-ka, iyagoo sameeystay Midowga Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

42430cookie-checkMa Dhabaa In Ardayda Jaamacadaha Ay Abaabul Wadaan