Guddiga Doorashooyinka Oo Dalbaday Dhaqaale

Somalia news

Guddoomiyaha Guddig Qaran ee Doorashooyinka Somalia, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo dabayaaqada bishaan laga sugaayo inay Baarlamaanka hortagto iyo go’aanka qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa caddeysay inaysan gacan ugu jirin dhaqaalihii Guddigeeda u baahnaa…

Guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey oo dhibaatooyin iyo caqabado badan hor yaalaan ayaa baahida ugu weyn ee uu qabo waxay tahay dhaqaale lagu qabto Doorashada, iyadoo Xaliimo Yarey ay sheegtay in qabashada Doorashada 2020/2021 u baahan tahay 70 Milyan Oo US$.

Kulan adag oo dhowaan dhex maray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yareyn iyo Golaha Wasiirada Guddi ka mida ayey ka sheegtay inay Guddigeeda hayaan oo 11 Milyan oo US$ kaliya, iyadoo dowladda federaalka ay bixineyso 7 Milyan oo Doolar, halka 4 Milyan uu ku yaboohay Mareykanka.

Qorshaha 70-ka Milyan ee Doolar ku doonayo Guddiga Doorashada Qaranka ayaa ah qiyaas lagu sameeyay Doorasho fudud oo qof iyo cod ah oo ka dhacda qeybo ka mida Soomaaliya, laakiin waxaan weli la ansixin xeerarkii Doorashada, iyadoo aan la xalin khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

39900cookie-checkGuddiga Doorashooyinka Oo Dalbaday Dhaqaale