Qorqor & Farmaajo Khilaaf iyo Shaki Soo Kala Dhex Galay

Somalia news

Maalmihii u dambeeyay waxaa socday abaabul xoogan oo ay daaha gadaashiisa ka wadaan Danjiraha Mareykanka, Wakiilka Qaramada Midoobe & Ergeyga Midowga Yurub, kaasoo salka ku haya sidii ay heshiis u Gaari lahaayeen Madaxda Maamulada Gobolada kuwaasoo heysta sharciyada ay wax ku kala goyn karaan maadama uu Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday iyo Dowladda xil gaarsiinta ay xiligaan diyaar u aheyn iney Heshiis wadar oggol ah laga gaaro Khilaafka Doorashada…

Khilaafka ugubka ah ee u dhaxeeya Qorqor iyo Farmaajo ayaa soo shaac baxay kadib markii dadaalo Nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen Mr.Khayre iyo Mr.C/Cabdishakuur, kuwaasoo ku guuleystay iney heshiisiiyaan Qorqor iyo Saciid Dani oo Khilaaf soo kala dhex galay isla markaasna uu ka soo bilaawday aragtida ah iney Kulamo yeeshaan Maamulada Gobolada iyo Wakiilka Beesha Caalamka, inkastoo uu fashiliyay Kulankaasi Mr.Farmaajo.

Khilaafka ayaa salka ku haya damaca Farmaajo oo ku qotoma in Go’aan ka gaarista Qodobada Khilaafka Doorashada isaga looga dambeeyo iyo xaqiraada lagu hayo Maamulada isla markaasna aan looga bixin Dagaalka uu kula jiro Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Isagoo xusuusiyay hadii ay Wakiilada Beesha Caalamka soo fara geliyaan Arrimaha Doorashada uu guuldarro ku dambeyn doonaan oo saaxada Siyaasada ka wada bixi doonaan.

Kulankii Xalay qabsoomay oo u dhaxeeyay Madaxda Maamulada Gobolada kana dhacay Hoteel ku yaal gudaha Xalane ayaa la sheegay inuu hurdo beel iyo madax xanuun ku riday, iyadoo Xogtu ay tilmaamtay in Farmaajo uu la dardaarmay Mr.Lafta gareen inuu shirka ka soo baxo oo uu fashiliyo Kulanka si Maalinta Isniinta soo socota Kulanka Teendhada Afisioni loo soo xiro lagu dhawaqo inuu shirku Fashilmay kadibna Baarlamaanka laga codsado muddo kordhin 2-sano ah.

Hadaba dagaalka bilowga ah Ee Farmaajo iyo Qorqor ayaa la sheegay in Kooxda Qorqor ay ku eedeeyeen Villa Somalia iney ka maseyrtay dhibcaha Siyaasadeed ee Qorqor ku heli lahaa abaabulka Kulamada Maamulada Gobolada iyo Wakiilada Beesha Caalamka Iyo tanaasulka uu muujiyay Mr.Qorqor ma abuuri kartaa furin cusub oo dagaal Siyaasadeed oo labada nin u dhaxeeya, halkee ayuuse raaci doonaan Madaxweynaha Hir-Shabeele.

Iskaashi ay yeeshaan Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabelle ayaa abuuri kara inuu soo af jarmo 4-sano dagaal mindhicireed Siyaasadeed ee uu waday Farmaajo, waxaana ay horseedi doontaa inuu si fudud shaashada uga baxo, bacmadaa ay kala irdhoobeen Wakiilada Beesha Caalamka Ee daneeya Arrimaha Somalia oo 90% bixiya dhaqaalaha ku baxa Ciidamada Amisom iyo kuwa Somalia.

105030cookie-checkQorqor & Farmaajo Khilaaf iyo Shaki Soo Kala Dhex Galay