Isku Dhac u Dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo Xalay ka Dhacay Degaanka Masaajid Cali Guduud..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa isku dhac khasaare xooga dhaliyay una dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee ku sugan Degaanka Masaajid Cali Guduud, iyadoo la sheegay in isku dhacaan lagu dilay Taliye Urur oo degaankaasi ku sugnaa…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in xalay Dagaal uu ka dhacay Degaanka kor ku xusan, Isku dhacaan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay Ciidamo ka baxay Magaalada Mogadishu kuwaasoo ku sii jeeday Degmada Ceel dheer, iyadoo Dhamme Maxamed Axmed Warsame (Max’ed Yare) oo ahaa Taliyihii Urur ka tirsan Guutada 25-aad ee Ciidamada Dowlada lagu dilay.

Goobo jooge degaanka ah ayaa sheegay in Isku dhacaan uu ka bilaawday kadib markii Ciidamada Dowlada iyo kuwa degaanka ku sugnaa ay diideen iney Wadada maraan Taliyaha la dilay iyo Ururkiisa, Sarkaalkasn ayaa ka tirsanaan jiray Guutada Ilaalada Madaxtooyada, Ehelkiisa ayaa dalbaday in Cadaalad u helaan Sarkaalka la dilay.

269710cookie-checkIsku Dhac u Dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo Xalay ka Dhacay Degaanka Masaajid Cali Guduud..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com