Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Qabsaday Xarunta Warbaahinta Dowladda

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo u badan Beesha Mareexaan Ee Farmaajo ka soo jeedo oo ku hubeysan Gadiidka Dagaalka ayaa maanta qabsaday Xarunta Warbaahinta Dowladda, iyagoo ka eryay Ciidamadii Boliiska Ee halkaasi ilaalada u joogay…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamo kuwa Madaxtooyada ah oo ku Hubeysan Gaadiidka qafilan ay la wareegeen dhismaha Xarunta Wasaarada Warfaafinta, Tv-ga Dowladda iyo Radio Mogadishu, iyagoo u sheegay in Ciidamadii ilaalada ka ahaa Xaruntaasi iney isaga tagaan.

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Mr.Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sheegay in Farmaajo uu ku khaldan yahay inuu Xilka ku sii hayo Eedeysane (Fahad), isla markaasna uusan diidi karin xil ka qaadista uu Sameeyay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka.

Dhanka kale Xeel dheerayaal Soomaaliyeed Ayaa Farmaajo iyo Fahad ku eedeeyay iney qorsheysteen iney Howlaha Doorashada isbaaro u dhigtaan isla markaasna abuuraan Qalalaase Siyaasadeed iyo amni darro, waxeyna ugu baaqeen Saaxiibada Somalia iney u aqoonsadaan “Qas-wadayaal.

139270cookie-checkFarmaajo Oo Lagu Eedeeyay Inuu Qabsaday Xarunta Warbaahinta Dowladda