Amisom Oo Xaqiijisay In Ciidamada Ethiopia Kala Baxaayaan Somalia

Somalia news

Warbixino laga helay Hogaanka Sare ee Ciidamada Howlgalka Amisom ayaa xaqiijinaaya in maalmaha soo socda ay ka bixi doonaan Saldhigyada Ciidamada Ethiopia ee Sector-ka 3-aad iyo 4-aad Ee ku kala leeyihiin degaano hoos taga Gobolada Bay & Gedo…

Warqad wargelin ah oo loo diray Talisyada Ciidamada, Wasaarada Gaashandhigga iyo Maamulada Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Konfur galbeed ayaa lagu wargeliyay In Ciidamada Ethiopia ay ka bixi doonaan fariisimada Degmooyinka Buurdhuubo iyo Qansaxdheere, lagu xoojin doono Ciidamada ka baxaaya Berdaale iyo Garbahaarey.

Waxaana lagu wargeliyay Xafiisyada kor ku xusan iney la wareegaan Fariisimada Ciidamada Ethiopia ay ka baxaayaan ka hor 21-ka September 2021, iyadoo lagu fasiray ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ay tahay mid la xiriirta Dagaalada sokeeye Ee socda waqooyiga Ethiopia (Tigray).

139210cookie-checkAmisom Oo Xaqiijisay In Ciidamada Ethiopia Kala Baxaayaan Somalia