Safarka Madaxweynaha Ee Baydhabo & Wada Shaqeynta Laftagareen Looga Fadhiyo inuu La Yimaado

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kala bixinaayo Xarumaha Maamul goboleedyada wuxuuna safarkiisii ugu horeeya ku tagay magaalada Baydhabo si jawi ku dhisan kalsooni iyo wada shaqeyn u abuuro…

Xogta ayaa xaqiijisay in Safarka Madaxweynaha ay ku wehliyaan 400-Ciidamo isku dhaf ah kuwaasoo xoojinaaya Amaankiisa, wuxuuna ku sugnaan doonaa Magaalada Baydhabo 2-3 Maalmood hadii aan wax isbadalin oo lasoo gaabin ama la kordhin.

Hadafku Madaxweynaha ayaa lagu fasiray in Shacbiga Soomaaliyeed loo muujiyo inuusan jirin Aargoosi siyaasada salka ku haya oo horay loo wada socdo, inkastoo Maamulka Lafta gareen ay horyaalaan inuu kala xusho inuu Kursiga waayo ama la shaqeeyo mudada u hartay, wuxuuna u laf-dhabar u ahaa kana dambeeyay aragtida caburinta ku dhisan ee Farmaajo & Fahad kana heleen Codadkii ugu badnaa Xildhibaanadooda in laga bilaabo booqashada iyo kormeerka Madaxweynaha ee Gobolada waana fariin waxtar ah.

Mr.Laftagareen ayaa kala dooran kara Wadaduu qaadayo, Haduu aamino in Farmaajo tagey waxna la qabsado Maamulka cusub waa asiibay Siyaasada, Haddii uu diido oo qaato wado khaldan isagaa is toogtay, waana fududahay in laga hor leexiyo Maamulka uu xooga ku heysto.

192270cookie-checkSafarka Madaxweynaha Ee Baydhabo & Wada Shaqeynta Laftagareen Looga Fadhiyo inuu La Yimaado
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com