Farmaajo Oo Looga Digay Inuu Qabto Doorasho Ay Ka Maqan Yihiin Maamulada Qaarkood

Somalia news

Waxaa in muddo ah taagan muran ka dhashay Heshiisyo ay horey u wada gaareen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Hogaanka Dowlad goboleedka Jubbaland, kaasoo dhigaayay in Ciidamada Dowladda Federaalka ka soo saarto Gobolka Gedo, ka hor Doorashada…

Iyadoo ay ka baaqsadeen Madaxtooyada Somalia iney fuliyaan Heshiiskaasi, isla markaasna ay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay diideen iney Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka u soo dirsadaan Magaalada Muqdishu, inta xal laga gaarayo Khilaafka jira, ayaa waxaa hadda soo shaac baxaaya in Dowladda Federaalka ay Go’aan satay iney Doorashada qabtaan, iyagoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka lagu wado iney soo saaraan Go’aano ka dhan ah Jubbaland, Doorashadana Xildhibaanada Lagu Qabto Gobolka Gedo, iyadoo Gobolka Jubada hoose loo aqoonsado degaan ay Caddow heystaan.

Dhanka kale, Waxaa si hoose loo bilaabay diyaarinta Liisaska Xildhibaanada Degaanada Galmudug, Konfur galbeed iyo Hir-shabelle, iyadoo laga maarmay Degaanada Jubbaland iyo Puntland, Talaabadaan ayaa halis ku ah Jiritaanka iyo Midnimada Qaranimada Somalia, waxeyna horseedi karta inuu Dalka cagaha la galo dagaalo sokeeye.

Maamulka Farmaajo oo Muddo xileedkeedu ku eg yahay 8-Feb, halka Baarlamaanka Federaalka uu dhamaanaayo Bishaan December 2020, iyadoo Jadwalkii Doorashada ee lagu heshiiyay uu laba jeer dib u dhacay, ayaa laga digay hadii ay fashilmaan dadaalada haataan si gaabiska ah u socda, waxey su’aal gelineysaa in Dalka sida uga qaab Nabad ah uga bixi karo marxalada kala guurka ah, iyadoo Mas’uuliyada miraha ka dhasha uu qaadan doono Mr.Farmaajo.

76680cookie-checkFarmaajo Oo Looga Digay Inuu Qabto Doorasho Ay Ka Maqan Yihiin Maamulada Qaarkood