Shirkii Golaha Wasiirada Oo Dib Loo Dhigay

Somalia news

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ayaa maanta mar kale dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sabab, hase ahaatee Wasiirada ayaa goor sii horeysay lagu wargeliyay inuu shirku baaqday….

Guux xoogan ayaa soo baxayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ahaa in Golaha Wasiirada qorsheynayaan inay soo saaraan go’aan ka dhan ah Maamulka Jubbaland, Wasiirada qaar ayaa qudhooda saadaalinaya wax weyn ka soo socdaan Golaha Wasiirada marka loo eego kulanka labada jeer la baajiyay.

Waxaa lagu waday in Gobolka Jubada hoose loo aqoonsado degaan uu cadow gacanta ugu jiro, Maamulka Jubbaland Uu yahay Maamul hoose taga Nairobi, Doorashadana loo wareejiyo Gobolka Gedo, kadib markii ay ku adkeysteen in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay Ciidamada ka soo saaraan Gobolka Gedo kuwaasoo dhibaatooyin xoogan ku haya Dadka degaanka.

Warar aan la xaqijiin ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirada qaarkood ay ku hanjabeen iney is casilayaan hadii talaabadaasi lagu dhawaaqo, waxaana Wasiiradaasi ka mid ah Wasiirka Duulista iyo Hawada.

76730cookie-checkShirkii Golaha Wasiirada Oo Dib Loo Dhigay