Farmaajo Oo Oggolaaday In AU-da Dhexdhexaadiso Xiisadaha Kenya

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay Magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu oggolaaday in xiisadaha u dhaxeeya Somalia iyo Kenya ay ku aadan Muranka xuduuda Badda iyo Biriga ay dhexdhexaadin ka galaan Midowga Africa, iyadoo wada hadalo arrintaasi daaran uu ka dhacay Magaalada London..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Qoraal ay soo saartay Xafiiska AU-da Ee Magaalada Addis abeba, ayaa lagu sheegay in Midowga Africa uu tixgelinaayo codsi kaga yimid Kenya kaasoo xambaarsanaa iney soo dhex galaan Muranka iyo xiisadaha hareeyay πŸ‡°πŸ‡ͺ iyo πŸ‡ΈπŸ‡΄.

Heshiiskaan oo ay ka soo wada shaqeeyeen UK iyo Qatar, ayaa la sheegay in Mr.Farmaajo uu wakiishay Mr.Rooble, iyadoo la isla meel dhigay in la soo af jaro colaadaha ka oogan Xuduuda Mandheera iyo Beled Xaawo, isla markaasna ay oggolaadaan in wada hadal ay garwadeen ka tahay AU-da oo lagu dhameeyo xiisadaha Badda iyo Berigaba.

132210cookie-checkFarmaajo Oo Oggolaaday In AU-da Dhexdhexaadiso Xiisadaha Kenya