Maxaa Ku Qasbay Farmaajo Inuu Transit Ku Noqday Addis Abeba

Somalia news

Farmaajo Fashilmay ayaa Maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, isagoo sii raacay Diyaarada Ethiopian Airlines si uu uga qeyb galo Shirka Turkiga iyo qaar ka mid ah Madaxda Qaarada Africa iyo Wufuud kale oo lagu casumay…

Magaalada Istanbul waxay martigelineysaa shirweynaha 13-Madaxa Qaarada Africa kaasoo soconaya muddo laba maalmood ah, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalladii ugu dambeeyay ee uu Turkigu ku ballaarinaayo saameyntiisa siyaasadeed iyo dhaqaale ee Africa, Kulankaan ayaa muddo laba sano ayuu dib u Dhacay sababo la xiriira Cudurka safmareenka ah ee Covid 19.

Maalmahaan Lacagta Turkiga (Turkish Lira) ayaa qiimo dhac ku yimid (5,6%) 15,689 sarifka Dollars, iyadoo lagu sababeeyay siyaasada dhaqaale ee Madaxweynaha Turkiga, waxaana la isweydiinayaa sababta loo aamini karo maalgelinta uu ka doonaayo Turkiga inuu ka fuliyo Dalalka Qaarada Africa, iyadoo barito uu ka furmi doono Magaalada Istanbul, waxaana looga hadli doonaa Arrimaha Siyaasada, Amaanka, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Iibinta Hubka, Drones-ka iyo Maalgashiga.

Dad badan ayaa isweydiinaya waxa Farmaajo Ku Riixay inuu iska ilaaliyo inuu Transit ku maro Magaalada Djibouti Oo Magaalada Mogadishu u jirta 45-daqiiqo Oo duulimaad ah, Farmaajo iyo Fahad u arka khatar maritaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Djibouti.

156300cookie-checkMaxaa Ku Qasbay Farmaajo Inuu Transit Ku Noqday Addis Abeba