Kulane-Jiis Oo Xil Cusub NISA Looga Magacaabay

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa dhowaan xil ka qaadis ku sameeyey labo sarkaal oo katirsanaa Hey’adda NISA kuwaasoo lagu eedeeyey iney diideen Amaro uu soo saaray, islamarkaana xubno u socdaali lahaa magaalada Luuq ay u diideen inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho…

Xog sugan oo Warsidaha Diinah.com news la soo gaarsiyay ayaa xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu culeys ku saaray Agaasimaha NISA inuu Xilal kale u magacaabo Cabdulahi Kulane (Jiis-Mareexaan), {Madaxa Hogaanka Shaqaalaha), iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali Madaxii NISA ee Garoonka diyaaradaha Mogadishu, Sida ku cad warqada hoos ku xusan.

Sidoo kale, Mr.Cabdiwahaab Sheekh Cali ayaa loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha waaxda Qorsheynta & Techoolajiyadda ee NISA, Labada xubnoodba waxay hadda kamid yihiin NISA, iyadoo magacaabistooda ay timi xili Mr.Rooble ku maqan yahay safar shaqo, waxaana la aaminsan yahay in isbedelkan lagu sameeyey gudaha Hay’adda NISA.

132150cookie-checkKulane-Jiis Oo Xil Cusub NISA Looga Magacaabay