Farmaajo Oo Qaabilay La-Taliyaha Abiy

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar qarsoodi ah uu La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ethiopia Mr.Gedu Andargacho oo Muqdisho soo gaaray ayaa shalay isla markaasna la kulmay Mr.Farmaajo, isagoo kala hadlay dagaalka ka socda Waqooyiga, gaar ahaan Gobolka Tigray….

Danjiraha Ethiopia u fadhiya Somalia Amb. Jamaludin Cumar ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Mr.Farmaajo is dhasfsadeen macluumaad la xiriira sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Ethiopia ka wado waqooyiga dalkaasi, isagoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Dagaal faraha looga gubtay oo xasuuq u badan ayaa ka socday Waqooyiga Ethiopia, iyadoo dagaalkaasi ay qeyb ka yihiin 20-Urur (Battalion) oo Ciidamada Eritrea, iyo 40 Urur (Battalion) oo Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo 3-aag ka weeraray Xoogaga Tigray waxeyna ka qabsadeen ilaa 15 magaalo, dagaaladaan ayaa laga cabsi qabaa iney saameyn ku yeeshaan Dalalka Geeska Africa.

74380cookie-checkFarmaajo Oo Qaabilay La-Taliyaha Abiy