Dagaal Xoogan oo Maalintii 2-aad Ka Socda Degmada Laas caanood

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay maalintii 2-aad duleedka magaalada kaasoo sii xoogeysanaya saakay, iyadoo uu dagaalka intiisa badan uu ka socdo dhabarka dambe ee Buurta Sayidka…

Dhanka Xoogaga Degaanka waxaa horkacaya Saraakiil horay uga tirsanaa Somaliland, balse hadda go’aansaday garab istaagga dadkooda, Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xoogaga Maamulka Muuse Biixi ay weerar mar kale ku soo qaadeen shacabka, iyaga oo dib su soo abaabuley, kadib markii ay ku jabeen dagaalkii maalintii shalay ee Isniinta.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalku ka bilowdey meel aan ka fogeyn Hotel Xamdi, Buurta Sayidka ilaa xabaalaha ee koonfurta Laascaanood, waxaana la sheegay in Xoogaga Maamulka Hargeysa dib loo riixey, isla markaana taliskoodi weynaa ee Goojacadde uu khatar ugu jiro inuu ka baxo gacantooda.

War ka soo baxay maamulka gooni-goosadka ee Somaliland ayaa lagu sheegay in argagixiso soo weerartey ciidankoda, kuwaas oo taageero ka helaaya, ciidamo Puntland ka yimid iyo kuwa Khaatumo.

241130cookie-checkDagaal Xoogan oo Maalintii 2-aad Ka Socda Degmada Laas caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com