Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Farmaajo oo qorshe lagu bedeli lahaa Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda iyo Kenya lana hortagay Kulanka guud ee AU-da uu ka gadmi waayay Hogaamiyayaasha Afrika, kadib markii uu taageero u waayay…
Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Farmaajo uu cadaawad gaar ah u qaaday Hogaamiyaasha Kenya iyo Uganda iyo Saraakiisha Hogaamisa Ciidamada Amisom, isagoo ku eedeeyay iney taageeri waayeen tiro qorshayaal ah oo uu ka mid yahay Afgambigii dhicisoobay iyo muddo kordhintii & sidoo kale taageeradii ay u fidiyeen Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Rooble.

Farmaajo oo Wasiirkiisa Arrimaha Dibeda dhowaan heshiis aan la faahfaahin la saxiixday dhigiisa Ruwanda ayaa waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Uganda lagu bedelo kuwa Ruwanda halka kuwa Kenya uu u qorsheeyay in booskooda ay buuxiyaan Ciidamo ka socda dalka Eritrea.